Sharci eegidda Laanta Socdaalka

St. Vincent Catholic Charities Xafiiskiisa sharci eegidda wuxuu idiin sammeenayaa adeegyo
iyo matalaad xagga sharciga qofkasto oo ku nool Michigan oo haysata xaalad la xiriirta
waaxda socdaalka, sida, qof la dhoofinaayo, ama sharciyada uu ku joogo aan hagaagsaneyn.
Adeegyada waa laguu sameynayaa xitaa haddad ku jogtig shrci darro. Waaxda Socdaalka ee
STVCC waxaa la assasay sanadku markuu ahaa 1977kii. Qareennada waaxda socdaalka
sharci eegidda ee STVCC waxay ka mid yihiin qareennada dawladda Michigan ka
diiwaansan iyo midda waaxda socdaalka isutagga qareennada ee dalka Mareynkanka.
Haddii aad rabtid faafaahin dheeraad ah, ama in aad u sameysatid ballan xafiiska Socdaalka
sharci eegidda weaxaad la soo xariirtaa Rosa Monert Rosabal tel: 517—323-4734 ext. 1800 ama
monertr@stvcc.org.

Soo dejinta Qaxootiga

Waaxda soo dejinta Qaxootiga ee STVCC waxay caawinaysay ama u sameyneysay adeegyo
Qaxootiga ama dadka ku yimid megengelyo siyaasadeed ee Michigan in ka badan soddon
sanadood. Qaybta soo dejinta waxay adeegyo u sameysaa Qaxootiga cusub inta u dhaxaysa
maalinta ay soo galeen Mareykanka ilaa lix bilood, sida guri dejinta, shaqo raadis iyo
waxyaale kale oo nolashooda muhim u ah, sida waxbarashada afka ingiriisiga, caafimaadka
iyo sida loo raaco gaadiidka dadweynaha. Adeegga shaqada waxaa Qaxootiga lagu
kaalmeynayaa ilaa shan sano. Hay’addan waxaa ka shaqeeya dad ku hadla ilaa laba iyo
toban luqadood oo kala duwan.

Haadii aad u baahatid in aad ballan u sameysatid waaxda adeegga Qaxootiga, waxaad la soo
xiriiraysa qof ku hadla luqadaada ama telefonka soo dir 517-323-4734 si laguugu gudbiyo
qof ku caawiyaa oo ku hadla laqadaada.